4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Dalka Ivory Coast oo yeeshay ra’iisul wasaare cusub
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara  ayaa wasiirkii difaaca dowladdiisa u magacaabay, ra’iisul wasaaraha waddankaas.

Ra’iisul wasaaraha cusub Hamed Bakayoko ayaa waxa uu soo dhisi doonaa Golaha cusub ee xukuumaddiisa .

Mr Bakayoko ayaa waxa uu xilkaan u sii hayay si kumeel-gaar ah, kadib ra’iisul wasaarahii dalkaas Gon Caoulibaly uu si kedis ah ugu geeriyooday Faransiiska oo lagu daaweynayay, billowga bishii hore .

Madaxweynaha ayaa magacaabista kadib sheegay in Bakayoko uu sii ahaanayo sidoo wasiirkiisii dagaalka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa loo saadaalinayay inuu noqdo musharraxa xisbiga RDR ee hoggaamiyo waddankaasi , doorashada la filayo iney dhacdo bisha October.

Hase-ahaatee xubnaha ugu miisaanka culus xisbiga talada haya ayaa madaxwene Ouattara waydiistay in mar seddexaad uu xilkaas hoggaaminta dalka uu u loollamo, laakiin 78 jirka ayaa sheegay in Isbuuca soo socda uu sheegi doono go’aankiisa.

Mucaaradka Ivory Coast ayaa u arka haddii uu madaxweynaha shaaciyo damaca ah inuu xilka madaxweynanimo uu noqon doono mid carqaladeynaya dastuurka dalka.

Billowgii sanadkaan ayuu madaxweyne Ouattara sheegay inuusan damac kale oo hoggaamineed uusan ku jirin, islamarkaana uu fursad u siinayo jiilka cusub iney dalka hoggaamiyaan..

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]