3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Axmed Madoobe “Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhutinayay ayuu Covid-19 sii nugleeyay”
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad jeediyay munaasabadda Ciidda Carafo awgeed ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso laba caqabadood oo xooggan oo kala ah xanuunka Covid-19 iyo ammaanka oo liita meelo kamid ah dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaato talada saraakiisha caafimaadka ee looga hortagayo xanuunka. Waxa uuna intaa ku daray in la dagaallankiisa uu sii nugleeyay dhaqaalaha dalka oo horayba u jilicsanaa .

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, in qof kasta uu mas’uuliyad gaar ah oo xanuunkan lagu xakameynayo uu qaato, si ay u fududaan in lasoo celiyo adeegyadii dartii loo xayiray.

Dhinaca kale waxa uu Madoobe ka hadlay howl-gal ciidamada ammaanka Jubbaland uu tilmaamay iney wadeen maalmihii lasoo dhaafay, isagoo ugu horreyn shacabka maamulkaas ku nool uga mahadceliyay wada shaqeynta ay la sameeyeen ciidamada nabad-gelyada, waxa uu  isagoo sii hadlayay uu sheegay in howl-galladii ugu dembeeyay lagusoo qabtay maleeshiyaad iyo wax-yaabaha qarxa oo sida uu qeexay la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2020 11:03 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Shacab weynaha ku nool degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan, sida Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta si weyn u ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

7/31/2020 4:25 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa wasiirkii difaaca dowladdiisa u magacaabay, ra’iisul wasaaraha waddankaas.

7/31/2020 4:17 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Wasiirkii beeraha ee dalka Zimbabwe Perence Shiri ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, sida lagasoo xigtay war uu soo saaray madaxweynaha waddankaas, oo sidoo kale shacabka u diray farriin tacsi ah gelinkii dembe ee Khamiista .

7/31/2020 3:38 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in la baajiyo shirka 15-ka Agoosto oo loo madlanyahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug.

7/31/2020 2:50 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ah iyo qoysaska ay saameeyeen duqeymaha cirka ee Soomaaliya.