Mashaariic horumarineed oo degmada Laascaanood laga hirgelinayo sanadka 2020ka

 

Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)-Sanadka 2020ka ayaa mashaariic badan laga fulinayaa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

newsinsideGudoomiyaha gobolka Sool cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in ay sanadkan gobolka ka fuli doonaan mashaariic badan oo kuwooda u horeeya ay sabtida bilaabmi doonaan.
 
"Mashruuca JPLG oo ah  mashruuc aad u balaadhan isbedelna ka muujiyey degmooyinkii horey looga  fuliyey ayaan ku guulaysaney in dawladu ka bilawdo Laascaanood" ayuu  yidhi Jiidhe isagoo intaas ku daray in mashruucan ay Somaliland  maalgelinayso.
 
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu sheegay in ay mashaariicda qalinka lagu duugey ay ka mid yihiin dhamaystirka garoonka kubada cagta ee Cabdi Bille, Jaamacada Nugaal oo kordhin iyo dhamaystir lagu samayn doono, Isbitaalka guud oo sidoo kale wixii ka dhiman la dhamaynayo.
 
Gudoomiye Jiidhe waxa kale oo uu xusay iskuulo, goobaha qashinka lagu asturo, iyo degaano ka baxsan magaalada oo iyagana waxqabad laga fulin doon, isagoo intaas raaciyey in xukuumadiisu ay sanadkan 2020ka uu ugu calaamadsan yahay horumarinta gobolka Sool.
 
Sidoo kale Jiidhe waxa uu bulshada Laascaanood ee waxqabadka loo samaynayo ay qayb ka qaataan gacana siiyaan dadka u adeegaya, isagoo intaas raaciyey in ardayda dhamaysatay Jaamacadaha ay galaan mashruuca shaqo qaran si ay jaanis uga helaan shaqooyinka soo baxa.
 
Si kastaba ha ahaadee waxaa dadku si aad ah u hadal hayaan mashruuca JPLG oo ay ku sifaynayaan in uu wax weyn ka nedeli doono muuqaalka magaalada
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool