Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay halka uu ku dambeeyay kiiskii Caa'isha Ilyaas Aadan

 

Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka uu ku dambeeyay kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa'isha Ilyaas Aadan, iyadoo raggii falkaas ka dambeeyay aan weli cadaalada la marsiin.

newsinsideMadaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in kiiskaasi fulintiisa uu horyaalo maxkamadda sare ee Puntland, isagoo iska fogeeyay inuu kiiskaas u xayiran yahay amarkiisa.

Waxaa madaxweynuhu caddeeyay inaanu waxba iska bedelin sidii kiiskaasi ku socday uuna marayo wadadii cadaalada ay ku heli lahayd dhibbane Caa'isha Ilyaas Aadan.

"Maxkamadaha madaniga ah go'aanada ay qaadaan fulintiisa waxaa iska leh maxkamadda sare, anaguna xukuumad ahaan ma fara gashanayno kiiskaas," ayuu yidhi madaxweyne Deni.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii warbaahintu su'aalo ka weydiisay sababta maamulku u fulin la'yahay xukunkii lagu riday saddex nin oo ay maxkamaduhu ku caddeeyeen inay ka dambeeyeen kufsiga iyo dilka Caa'isha Ilyaas.

Xukunkii kama dambeysta ahaa ee lagu riday dambiilayaasha falkaas, ayaa dhacay shan bilood welina lama fulin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]