Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)-Maxbuus u xirnaa inuu katirsanaa kooxda Daacish ayaa ku geeriyooday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho habeenimadii xalay.
newsinsideWararku waxay sheegayaan inuu maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay, balse weli lama caddayn sababta geeridiisa.
Mahad Cabdi oo loo yaqaanay Abuu-Yaasiin ayaa ku xukumnaa 15 sano, isaga iyo saaxiibkiis Maxamed Daa'uud Warsame oo yaqaanay Dr. Raage , kadib markii ay sheegeen in ay Soomaaliya ka aas aasayaan garab katirsan Daacish oo daacad u ah hoggaamiyihii Daacish.
Abuu-Yaasiin ayaa haystay Baasaboor Ruush ah, waxayna isaga saaxiibkiis qorsheynayeen inay horjoogayaal ka noqdaan kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya.
Labadoodaba waxay maxkamadda xukuntay sheegtay in ay hore uga tirsanaan jireen ururka Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, (Puntland). sanadkii 2014, ka hor inta ayan u wareegin Daacish.