4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya oo kala dirtay Rugta Ganacsiga ee Gobalka Banaadir
 

Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xasan  ayaa kala diray dhamaan masuuliyiintii Rugta Ganacsiga ee Gobalka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka.

Ciidamada NISA ayaa dhawaan xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa, oo la sheegay in ay ku yimaadeen magacaabista Al-shabaab.

Balse, guddoomiyaha la xiray ayaa iska fogeeyay inuu haba yaraatee wax lug ah ku leeyahay arrimaha Shabaab.

Halkaan hoose ka aqriso warqada lagu kala diray rugta ganacsiga.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]