4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka oo booqday Soomaaliya
 

Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy ayaa safar ku tagay magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga iyo Raiisul Wasaare Xasan Khayre ayaa yeeshay kulan  ay kaga wada hadleen dib uhabaynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kaaliyaha Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go'antahay dowladda Mareykanka in ay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku hormarineyso nabadda iyo in lala dagaallamayo Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray booqashadiisa, Kaaliyaha Xoghayuhu wuxuu sidoo kale la kulmay wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy oo safar dheer kusoo kala bixiyay dalal badan oo Afrikaan ah, ayaa ujeedada safarkiisa waxaa lagu tilmaamay inuu iftiimin doono sida ay Mareykanku uga go'antahay la shaqeynta dhalinyarada Afrika. Wuxuu horumarin doonaa Barnaamijka Iskaashiga Jaamacadda, oo ah barnaamij cusub oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo iskaashiga ka dhexeeya jaamacadaha Mareykanka iyo Afrika.

Booqashadiisa ayaa sidoo kale iftiimin doonta sannad-guuradii 10-aad ee Hoggaamiyaasha Hoggaanka Da'yarta ee Afrika (YALI), oo ah barnaamij ka dhalinyarada Afrikaanka u fududeynaya xiriirrada ay la leeyihiin asaagooda Mareykanka iyo guud ahaan Afrika.

Soomaaliya waxay kamid tahay lix waddan oo uu kuxigeenka xoghayuhu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay kor u qaadista dowlad wanaagga. dimoqraadiyada, horumarinta nabadda, amniga gobolka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]