3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Aabe Wiilkiisa dilay oo xabsiga loo taxaabay degmada Jowhar



Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)-Ciidamada Booliiska Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ugu danbeyntii qabtay Aabe la sheegay in xalay uu dilay wiilkiisa kaa oo saacadihii ugu danbeeyayba baadgoob lagu hayay.

Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa lagu waramayaa in wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku gowracay xaafadda Horseed oo ka tirsan degmada Jowhar..

Wararku waxaa ay sheegayaan in ninkan goobta uu ka baxsay kaddib markii uu dilay wiilkiisa, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo  qabto,

Arintan ayaa argagax ku beertay dadka ku dhaqnaa xaafadda oo siweyn u garanayay qoyskan,  ilaa iyo haddana lama oga sababta keentay in Ninkan uu dilo wiilkiisa oo da'diisa lagu sheegay 14 sano jir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
1/25/2020 8:07 PM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Toronto ee dalka Kanada ku geeriyooday marxuum Dr. Cabdulqadir Maxamed Nuur oo loo yaqaanay Dr. Gabgable kana mid ahaa dhaqaatiir caanka ee ka soo shaqeeyey dalka Soomaaliya.

1/25/2020 1:10 PM EST
Sabti, Janaayo ,25, 2020 (HOL )– Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa dib u celiyey markabkii siday xadhiga Internetka Badda dhexmara (Fiber Optic Cable DARE 1 Djibouti ) oo la doonayey in Berbera la keeno.

1/25/2020 12:54 PM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)–Ergayga dawladda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Stuart Brown iyo Taliyaha Ciidamada Boqortooyada Ingiriiska ee Geeska Africa Col. Huan Davies ayaa maanta xafiisyadooda kula kulmay wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye iyo taliska ciidanka Militeriga Somaliland.

1/25/2020 7:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa amar ku bixiyay in la hakajiyo xil wareejinta agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya xafiiskeeda Puntland.

1/25/2020 7:08 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kala diray dhamaan masuuliyiintii Rugta Ganacsiga ee Gobalka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka.

1/25/2020 6:59 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy ayaa safar ku tagay magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga iyo Raiisul Wasaare Xasan Khayre ayaa yeeshay kulan ay kaga wada hadleen dib uhabaynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

1/25/2020 6:41 AM EST
Khudbadii Ilhaan Omar oo markale u tartamaysa kursigeedaay hadahayso VIDEO

1/25/2020 6:12 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

1/25/2020 4:50 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa masuuliyiinta waxbarashada Puntland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan imtixaanka midaysan ee dowladda federalku qaado.

1/25/2020 2:11 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)-Dhulgariir xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.

1/25/2020 1:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)-Taliyaha Guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa booqday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM