3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Golaha wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey xeerka illaalinta caruurta

 

Khamiis, Janaayo ,23, 2020(HOL )–Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Qabyo Qoraalka xeerka Carruurta, waxa kale oo warbixin laga dhgaystay wasiirka waxbarashada iyo Sayniska.

Kalfadhigan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi waxaana ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, kuwaas oo maanta ku ansixyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, halka ay dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 

 













Click here
1/23/2020 3:10 PM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Safiirka Denmarka ee Somaliya iyo Kenya, Mette Knudsen ayaa maanta oo khamiis ahayd magaalada Muqdisho ka kaxaysatay, Amal Nuur Cusmaan oo ahayd gabadh Somaaliyeed oo haysatay dhalashada Denmark.

1/23/2020 2:26 PM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

1/23/2020 1:54 PM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Don Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kula kulmay afar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, iyagoo ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha waqtigaan ka taagan Soomaaliya.

1/23/2020 7:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamid ah Isimada dowlad degaanka Soomaalida Ethoipia ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

1/23/2020 5:08 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in doorashada maamulka Hirshabeelle waqtigeeda ku dhici doonto.

1/23/2020 1:54 AM EST
Arbaco, Janaayo ,23, 2020 (HOL )–Masuuliyiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay askari lagu dilay galbeedka magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaanay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo qabtay gacan ku dhiiglahaasi dilka gaystay.

1/23/2020 1:24 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo sida uu hadalka ud higay howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galguduud