Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamid ah Isimada dowlad degaanka Soomaalida Ethoipia ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
newsinsideGuddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf iyo isimada Puntland oo uu horkacayay Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa wafdigaan kaga hortagay dooxada Bixin uu duleedka waqooyi ee Garowe.
Socdaalk wafdigaan ayaa la xidhiidha dhameystirka nabadaynta colaad gobolka Sool ku dhexmartay beelo walaalaha.
Garaad Kulmiye Garaad Maxamed ayaa sanadkii 2018 magaalada Jigjiga dhigay gogol nabadeed oo lagu gaaray heshiiska nabadeed, kadib markii bishii October ee sannadkii 2018 uu degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ka dhacay dagaal geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]