4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Askari lagu dilay dulleedka Boorame iyo Maayarka degmada oo ka hadlay

 

Arbaco, Janaayo ,23, 2020 (HOL )–Mas'uuliyiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay askari lagu dilay galbeedka magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaana ay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo qabtay gacan ku dhiiglahaasi dilka gaystay.

Askarigan ayaa ilaalinayey shirkad biyo usoo saaraysay magaaladda, taas oo illa hada la baadhayo cidii dishay, haseyeeshee waxay masuuliyiintu xuseen inay ka xun yihiin dilka dhacay, waxaanay tacsi u direen qoyskii iyo eheladii marxuumkaasi ka baxay.

Maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii dishay askarigaasi ilaalinayey mashruuca biyo balaadhinta Boorama.

“Askarigii shaqada qaran ku dhintay ee gacanta ka xaqdarani dishay ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo isagana janadii fardawsa ha ka waraabiyo, go’aanka qaadanayna waxay tahay in meel kasta oo uu gallo aan laga daba hadhi doonin”ayuu yidhi Maayar Xaddi.

“Askarigaasi wuxu ilaalinayey biyo balaadhinta magaalada Boorama ee shirkadu waddo, qofkasta oo gasho iyo meel kasta oo gasho waa laga daba tagi doonaa, in badan baa la doonay in laga shaandheeyo inta xun, Waa cid horumarka ka soo horjeeda waa cid biyo balaadhinta ka soo horjeedda.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, waxa arintaasi ka hadlay oo cambaareeyey gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Axmed Yaasin Sheekh Ayaanle, wasiirka Ganacsiga, gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, culimadda iyo waxgaradka gobolka Awdal, waxaanay dhamaantood ku baaqeen in aan mashruucaasi loo joojin dilkaasi dhacay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.