4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay dalka Jabuuti

 

Axad, December, 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wadahadallo hor dhac u ah xalinta khilaafka labada dowladood waxaa ay ku yeesheen  dalka Jabuuti halkaa oo uu maanta ka furmay shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD.

Goobta ay isku soo hor fariisteen labada madaxweyne waxaa ku sugnaa oo joogay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo garwadeen ka ahaa is araga labada madaxweyne.

Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitterka ayaa yiri'' “ Awoodda xasilloonida gobolkeenna waxaa mar walba fure u ah  iskaashiga iyo horumarka, waxaan ku faraxsanahay hadaan nahay hogaamiyeyaasha inaan miiska wada-hadalno oo aan ka wada hadalno arrimaha cakiran ee ka taagan gobolkeenna ayuu yiri” Abiy Axmed.

Shirka ka furmay dalka Jabuuti ayaa qoddobada miiska saaran ee laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo waayadii ugu danbeeyay halkii ugu xumaa gaaray .

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]