4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya dalka Jabuuti

 

Axad, December 20, 2020 (HOL) - Maanta oo Axad ah 20 Dec 2020 ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti uu ka furmo shir madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid yahay mas'uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya.

Shirkan ayaa waxaa si guud loogu eegi doona arrimaha siyaasadda iyo xaalada dalalka ku midoobey IGAD gaar ahaan khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Itoobiya iyo saamaynta  Covid 19 ee wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka, waxaana ay kol hore dowladda Soomaaliya sheegtay in ay IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya.

Balse dowladda Kenya laftirkeeda ayaa sheegtay in ay IGAD hor geyn doonto ashtako ka dhan ah Soomaaliya, waxaana ay marar badan Kenya ku celcelisay in Dowladda Soomaaliya dusha ka saareyso eedeymo aysan laheyn.

Shirkan ayaa ugu danbeyntii laga soo saari doonaa war-murtiyeed soo koobaya nuxurka wax-yaabihii lagu heshiiyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]