4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Cali Daahir Ciid'' Al-shabaab ka soo gudbay deegaannada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa culeys soo saaray Galmudug

 

Axad, December, 20, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay sheegay in Al-shabaab ay culeys soo saareen deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in hayaan xog ku saabsan in Al-shabaab ka soo gudbay deegaannada Jubbaland iyo Hirshabeelle soo gaaraan deegaannada Galmudug, hasse ahaatee waxaa uu intaa ku darray in ay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo.

''Waxaan xogta ku helnay Al-shabaab iyaga oo gurmad ka helaya deegaannada Jubbaland iyo Hirshabeelle xoogaggii kale ee ku sugnaa, hadda culeys weyn soo saaraan Galmudug, hasse ahaatee waxaa soconaya howlgalo ballaaran oo ay ciidamadu kula dagaalamayaan'' ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka ayaa imanaya xili maalin ka hor weerar culus oo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana weerarka mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]