3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose oo la dilay
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Ciidanka guutada 16aad ee Danab oo maanta hawlgal ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose, ayaa la sheegay in ay ku qaarajiyeen madixii Alshabab u qaabilsan maaliyadda gobolka Jubadda dhexe.

Hawlgalkan ayaa waxa uu si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Koban oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbadda Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidamada Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo ka warbixiyay hawlgalkaasi ayaa sheegay in ay ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysan jireen Al-Shabaab, ayna dileen madaxii Maaliyadda u qaabilsanaa Al-Shabaab Jubadda dhexe oo lagu magacaabo Cali Garweyne iyo Afar dagaalame.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ay miinooyinka dhulka lagu aaso ay ka soo saareen wadada xiriirisa degmada Jamaame iyo Kismaayo.

Waxa uu sidoo kale Taliyuhu sheegay in ilaa iyo hadda uu hawlgalku uu socdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/2/2020 6:33 PM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali “Najax” ayaa ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar “Koosto’ oo caawa ku geeriyooday Bom gacameed lagu tuuray gurigiisa.

8/2/2020 4:32 PM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Sida ay sheegayaan warar aan ka helayno gobolka Shabeelada hoose, waxaa caawa degmada Wanlaweyn lagu dilay gudoomiye ku xigeenka degmadaas, Maxamed Cabdulaahi Cumar.

8/2/2020 8:21 AM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa Dalka Iran kuwaasi oo maanta gaaray magaalada Muqdisho.

8/2/2020 5:12 AM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duullimaadyada caalamiga ah ee berri oo ah 03,da-August, 2020 furmi doonan iyadoo la tix-raacayo go’aankii ay ku oggolaadeen Golaha wasiirrada.

8/2/2020 5:02 AM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya militiriga dowladda Soomaaliya , gaar ahaan qeybta 43-aad ayaa waxay howl-gal dhinaca ammaanka la xiriira ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan dowlad goboleedkaas.

8/2/2020 2:20 AM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu meesha ka baxay qadarintii iyo wanaagii uu u hayay dowladda federalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu bareerahiisa la tegidoono Dhuusomareeb.

8/2/2020 2:15 AM EST
Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka, ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaanka loo maray meelmarinta xubnaha guddiga addeega garsoorka dalka, oo ay meel mariyeen golaha wasiiradda ee xasaanada lagala noqday.