4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Ciidamada Jubaland oo guulo ka sheegtay dagaal ay Al-shabaab la galeen
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya militiriga dowladda Soomaaliya , gaar ahaan qeybta 43-aad ayaa waxay howl-gal dhinaca ammaanka la xiriira ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan dowlad goboleedkaas.

Sargaal ka tirsan Ciidamada daraawiishata Jubaland , gaar ahaan qeybta aagga Kulbiyow ayaa waxaa sheegay iney la wareegeen ciidamado iskaashanaya saldhigyo iyo baro ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Deegaannada uu ka dhacay howl-galka ayaa waxa uu sheegay iney yihiin Cabdalla biroole, Taabta iyo Kulbiyow.

Waxa uu intaa ku daray in uusan jirin khasaare soo gaaray ciidamadooda, balse guulo ay ka gaareen howl-galkaasi, kulna soo wareegeen saanad ciidan, haddana ay ku suganyihiin deegaannadii lagu dagaallamay.

Ma jiraan war kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan weerarka ciidama ka tirsan  Jubaland ay ku qaadeen farriisimihii ay deganaayeen Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]