
newsinsideWasiirka arrimaha gudaha ahna xubnaha Puntland u matalaya guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta arrimaha doorashada, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda markii waqtigeeda gabagabo yahay ay ku fekerto inay cimrigeeda sii dheeraysato.
“Afar sano ayaa dadka iyo dalka wax loo qaban waayay, markii xilka uu ka dhamaadayna inay yiraahdaan hanaloo kordhiyo, waa nasiib darro,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.
Wasiir Dhabancad, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka inay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.
Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay xilli ay maanta Puntland u dabaal dagaysay sannad guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay aas aaskeedii.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]