Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha Is-maamulka Mandheera Cali Ibraahim Rooba ayaa xaqiijiyay dad ku jiray karaantiil oo looga shakisnaa xanuunka COVID-19 iney ka baxsadeen halkii lagu hayay, iyadoo arrintaasi ay walaac xooggan ka dhex-dhalisay shacabka ku nool Magaaladaasi iyo sidoo kale Magaalada Beled-xaawo ee Soomaaliya .
newsinsideCali Ibraahim Rooba ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in baaris dheer kadib gacanta lagusoo dhigay badi dadkaasi , haatanna lagu hayo goobtii horay loogu hayay, halka kuwii kalana weli la baadi goobayo.
Mandheera oo ah Magaalo ku taalla xuduudda Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya waxaa horay looga helay dhowr kiis oo la xiriira bushiga Coronavirus, iyadoo dowladda Kenyana ay si gaar ah ula socoto dhaqdhaqaaqyada caafimaad ee ka jira Ismaamulkaasi.
Dhinaca kale Cali Ibraahim Rooba oo la hadlayay Barnaamij ka baxa TV-ga STN ee Nairobi ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo guddoomiyaha maamulkaasi ku metalo dowladda dhexe, warkaas oo maalmihii lasoo dhaafay soo baxay.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho