Booliska Beledweyne oo gubay jaad ka yimid Itoobiya

Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Ciidamada kala duwan ee amniga gobolka Hiiraan oo dhawaan lageeyay xadka  Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilaabay howlago aay ku xaqiijinayaan xirnaashaha xaduudka iyo joojinta isku socodkii jiray, waxaana aay gacanta ku dhigeen gaadiid aay saaranyihiin jaad badan oo ka yimid dhanka Itoobiya.

newsinsideCiidanka ayaa dab qabadsiiyay jawaanada jaadka, waxaana aay u sheegeen ganacsatada in sadex cisho ka hor laxeray isku socodka islamarkaana aay muhiim tahay in loo hogaansamo amarka maamulka gobolka Hiiraan oo ahaa in dhamaan laxeray xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha booliska Beledweyne L/xidigle Muuse Salaad Weheliye ayaa sheegay in aay fulinayaan amarkii madaxda qaran iyo kuwa gobolka Hiiraan ee ahaa in lajoojiyo isku socodka dadka iyo gaadiidka Itoobiya iyo Soomaaliya si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

“Inagoo fulineeyna amarkii madaxdeena qaranka iyo kuwa gobolka waxaan xernay isku socodkii Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kale waxaan sameeynay howlgal balaaran oo aan ku yareeyneyno dhaq-dhaqaaqa kajira deegaanada xaduudka, intii aan howgalka kujirnay waxaan gacanta kusoo dhignay gaadiid uu saaranyahay qaad badan, waadna arkeeysaan inaan gubeeyno, ganacsatada jaadka waxaan u sheegayaa inaay joojiyaan howshan sharci darada ah, islamarkaana aay ka qeeyb-qaataan yareeynta cudurka dilaaga ah ee Karoona feyris” sidaas waxaa yiri laba xidigle Muuse Salaad.

Sidoo kale waxaa la’arkaayay ciidanka booliska Beledweyne oo howlgalo kadhex sameeynaya gudaha magaalada, waxaana sidoo kale laxeray suuqyadii qaadka ee gudaha magaalada Beledweyne.

Howlgaladan ayaa imaanaya xili maalin kahor gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay inuu xiranyahay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhinaca Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaana gudoomiyuhu uu amar buuxa ku bixiyay in lajoojiyo isku socodka ganacsiga iyo dadka si looga fogaado faafitaanka halista Caronavirus.

Lama oga sida rasmiga ah ee ciidanku aay ugu guuleeysan karaan joojinta ganacsigii ka imaan jiray dalka Itoobiya ayadoo la’ogyahay in ganacsi kala duwan uu aadi jiray dhanka Itoobiya halka qaarna aay ka imaan jireen.