Arbaco, April 15, 2020 (HOL )– Alla ha u naxariista Marxuum Axmed Ismaciil Xuseen xudeydi oo dhowaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska ayaa maanta salaad jinaasa loogu tukadda magaalada Hargeysa.
newsinsideMagaalada Hargeysa ayaa salaad jamac ah loogu tukada Marxuum Fanaan Xudeydi oo dhowaan u geriyooday cudurkan Covid19, waxaana salaadda tukinayey wasiirka Diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Axmed.
Waxaa salaada Maydka ka soo qaybgallay dad faro badan oo kala fogfog oo masaafo isku jira si loo dhawro tilmaamaha caafimaadka ee ahaa in aanay dadku isku soo dhowaan.
Fanaan Xudeydi ayaa ahaa fanaan gayiga Somaalidu degto caan ka ah, isla markaana muddo lixdan sanno ku jira fanka Soomaalida oo hal abuur cusub ku soo kordhiyey, waxaanu caan ku ahaa garaacista kamanka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland