
Sabti, September, 28, 2019 (HOL)-Hawlgallo ay Ciidamada amniga ee degaanku ka fuliyeen magaalada Jigjiga ayaa lagu qabqabtay dhalinyaro tiradoodu kor u dhaafayso 450, kuwaas oo laga soo kala qabtay xaafadaha magaalada Jigjiga.
newsinsideHaddaba hawlgalkan ballaadhan ee dhalinyarada lagu soo
qabqabanayay ayaa ahaa mid ay si wada jir ah u fulinayeen qaybaha kala
duwan ee Ciidamada amniga ee degaanka.
Waa
markii u horreysay ee hawlgal noocan oo kale ah laga fuliyo Jigjiga,
tan iyo wixii ka dambeeyay is baddalkii dalka iyo degaanka ka dhacay,
iyadoo shacabka qaybihiisa kala duwan ay soo dhaweeyeen hawlgalkan lagu
soo qabqabtay dhalinyaradan kooxaha ka tirsan.
Taliyayaasha
kala duwan ee Ciidamada amniga degaanka ayaa sheegay inuu sii socon
doono hawlgallada magaalada Jigjiga lagaga sifaynayo kooxaha
Jaynaguruubka.