Sabti, September, 28, 2019 (HOL)- Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ku soo dhamaaday oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay sidda looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka ay leedahay Soomaaliya.
newsinsideShirkan ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee dowladda Soomaaliya waxaana ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburro dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway.
Waxaa si gaar ahaan shirkan diiradda loogu saaray diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.
”Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka marka la soo saaro,kaasi oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida oo dhan”, syuu yiri wasiir Hilaal.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baarista xogta shidaalka u xilsaartay shirkadda Spectrum.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]