Dowladda oo xayiraadii 24-ka Saac ka qaaday duulimaadyada taga magaalada Kismaayo

 

Sabti, September, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw ka qaaday amarkii ahaa in 24 saac ka hor dayaaradaha tagaya Kismayo soo codsadaan fasax.

newsinsideWarka ku saabsan ka qaadista xayiraadka duulimaaydii taga magaalada Kismaayo ayaa waxaa Hiiraan Online u xaqiijiyay Wasaaradda Duulista Hawadda oo sheegtay wixii hadda ka danbeeyay duulimyaadu si toos ah u tagi doonaan magaalada Kismaayo.

Dhamaan duuliyaadyada ka baxa gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho  ayaa si toos ah u tagi doona magaalada Kismaayo.

Laakiin wali duulimaayada caalimaga ah ayeey Wasaaraddu sheegtay in la sii Koontarooli doono oo  xayiraad ka qaadistan tahay mid u gaar ah duulimaad-yada gudaha ''Local flights''

Dowladda Soomaaliya ayaa horay xayiraad ugu soo rogtay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo oo lagu amray in ka hor 24 saac shirkadu isa oo diiwaan galiyaan taasoo caqabad ku noqotay isku socdka magaalada Kismaayo iyo gobollada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]