4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo xarig-jaray dhismaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee Washington DC


Jimco, September, 27, 2019 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington DC ayaa maanta si rasmi ah u degtay dhisme ay leedahay oo dowladda Soomaaliya ay iibisay, kaddib markii uu goor dhow xarig-jaray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiinta safaaradda ayaa ku soo dhaweeyay dhismaha cusub madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan, wasiirrada arrimaha dibadda ,maaliyadda iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ka sheegay gudaha dhismaha safaaradda in maamulkiisa uu dejiyay qorshayaal dhowr ah markii uu xafiiska la wareegay oo ay ugu horreeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa 'qabka umadda Soomaaliyeed' iyo xasillooni siyaasadeed, waxaana uu markaa tilmaamay in ahmiyad uu Marekanka u leeyahay Soomaaliya.

"Sirta aan ku iibsannay dhismahan safaaradda ayaan idin sheegaya, waxyaabihii la isku riddi jiray ayaan meel dhignay.. Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare is riddaya wixii lagu qarash gareyn jiray ayaan ku gadnay.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay dowladda Soomaaliya inay dhowaan dhismayaal u iibin doonto safaaradaha dalka ee ku yaalla dibadda,isagoo marka soo hadal qaadday London,Canada iyo Koonfur Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC  ayaa horey u degganeyd dhisme kiro ah,balse waxaa calanka jamhuuriyada la suray dhisme ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]