Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

 

Jimco, September, 27, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed  (Cumar Filish) ayaa booqasho uu ku tagay safaarada Dowlada  Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya, isaga oo kula kulmay safiirka Mareykan u jooga Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.

newsinisdeKulankan u dhaxeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo Ambassador Donald Yamamoto ayaa waxa ay kawada hadleyn dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen  xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada, iskaashiga amniga caasimadda, taageerada mashaariic horumarineed,  arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto  ayaa u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada  Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) in uu maamulkiisa  ku garab istaagi doono barnaamij kasta oo lagu horumarinaayo caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]