Maamulka Koonfur Galbeed oo mamnuucay shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka

 

Jimco, September, 27, 2019 (HOL)- Maaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mamnuucay deegaannada maamulka in lagu qabto shirar ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya.

newsinsideWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta  Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba  ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto  shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Waxaa uu ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku  haayo Maamulka Koonfur Galneed iyo saraakiisha ciidamada in ay fuliyaan  amarkan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, islamarkaana aan la  ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Amarkan ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa imanaya iyadoo dhawaan kulan magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Odayaal dhaqameed caan ka ahaa deegaanka ku dhaleeceeyeen xannibaadii dowladdu ay ku sameysay Shariif Sheekh Axmed iyaga oo ku eedeeyay madaxda ugu sarreysa dalka ku takrifal iyo xadgudub sharci. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]