4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Puntland: Waxaan gacanta ku dhignay koox dooneysay inay ku biirto Daacish

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) , ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca Koofurta magaalada Boosaaso waxaa lagu soo qabtay rag dhallinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiran Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

"Waxay hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso, Intii Howlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas". ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee ciidanka PSF.

Ciidamadda amniga Puntland ma soo bandhigin tirada ragga ay sheegeen iney soo qabteen iyo haddii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay intii uu socday howlgalka lagu soo qabnayay.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku wargeliyay dadka ku nool deegaannada inay ciidanka u soo sheegaan wixii xog iyo macluumaad ku aaddan dagaalyahannada ku dhuumaaleysanaya deegaannadaas.

Dhulka buuralayda ah ee ku dhow magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ku sugan dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weerarro ka fuliya magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]