Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda
Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey
dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay
ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan,
ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka
shacabka iyo dowladda dalkaas.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dowladda Suudaan
heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo
Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta
dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama
dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa
yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee
dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen
hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga
labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada
Dowladood.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay
horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo cilmi barista iyo mideynta
dadaallada lagaga hortagayo tahriibta iyo argagixisada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]