3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Ilhaan Cumar oo raaligalin ka bixisay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitter -ka

 

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa'iil u taageeraan ururrada u ol'oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa'iil.

Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay "si cad" raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi.

"Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka," ayay tiri Ilhaan.

"Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.

Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol'oleeya ay "dhibaato u keenaan" siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.

BBCSomalia













Click here
2/12/2019 12:37 PM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal ugu badan ee haweenka lagu fuliyo gudniinka Fircooniga, taasoo sababta halis soo food saarta haweenka gudniinka lagu sameeyo oo qaarkood u geeriyooday

2/12/2019 8:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.

2/12/2019 8:07 AM EST
Talaado, Febraayo 12, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa qaylo dhaan u dirtay hay’adaha gargaarka si biyo loola gaadho toban kun oo qoys oo biyo yaraani soo foodsaartay.

2/12/2019 5:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

2/12/2019 3:00 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) , ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca Koofurta magaalada Boosaaso waxaa lagu soo qabtay rag dhallinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiran Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

2/12/2019 2:33 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha.

2/12/2019 2:29 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

2/12/2019 1:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

2/12/2019 12:19 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey [ Cismaan Ganeey]