4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Maamul gobolleedka Hirshabeelle oo qaadacay shirka arrimaha gargaarka ee lagu qabtay Muqdisho

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Maanta oo ay taatiikhdu tahay 15ka bisha Abril, 2019,  waxaa ka soo baxay wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaarka ah,War murtiyeed lagu sheegay in dhamaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay laba maalmood ku lahaayeen magaalada Muqdisho kulan looga, tashanayey fulinta mashruuca ka jawaabidda xilliga dhaw ee xaaladaha deg degga ah.

Dawlad Goboleedka Hir-shabelle waxaa ay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneeysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen.

Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay .

Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho.

Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu taakooraayo deggaano qaarkood sababao siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed.

Haddaba waxaa ay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aamadii ka soo baxay kulankaas iyo arimaha ku saabsan mashruucaas waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxaan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeyaarimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE)

Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]