Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Waxaa si rasmi ah uga furmay
magaalada Qabridahare Shiwaynihii 2aad ee Golaha dhexe ee Ururka ONLF.
Shir-waynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda Ururka ugu sareeya, iyo
dhammaan xubnaha Ururka ee degaanka iyo dibadda ku sugan. Sidoo kale Odayaal
dhaqameedka degaanka ayaa iyaguna qayb ka ahaa Shirwaynahan.
Shir-waynahan ayaa lagu martqaaday
dad badan sida xubno ka socday Ururka OLF ee Oromada iyo mari sharaf kale oo
dibadaha ka yimid.
Ugu horreyn waxaa Shirwaynaha furay
Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cisman, wuxuuna ka hadlay
Tasriikhdii dheerayd ee Ururku soo maray iyo halgankii qoriga ahaa ee uu soo
maray Ururka ONLF, wuxuuna sheegay in Ururku halgankii uu sii wadayo oouu hadda
kaddib qalin ku halgami doono halkii uu waagii hore qoriga uu ku halgami
jiray.
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu
sheegay inta Shirkan lagu jiro maanta ilaa bari inay ururin doonaan aragtida
dadwaynaha, isla markaana talada shacabka qaadan doonaan.
Guddoomiyuhu sidoo kale maamulka
dawladeed ee Gobollada degaanka ayuu dhaliilo usoo jeediyay isagoo tusaale usoo
qaatay socdaalkii uu Ururka ONLF dhawaan ku marayay qaybo kamid ah degaanka
inay kusoo arkeen Hormar la'aan ka jirta degaanka iyo dawlad la'aan waa siduu
hadalka u dhigay.
Guud ahaan intuu shirwaynahan socdo
ayaa waxaa lagu soo qaadan doonaa waxyaabo badan oo Shacabka degaanka wax tar u
leh.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]