4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga Hubka iyo Agabka Ciidanka

Isniin, April, 15, 2019 (HOL)– Puntland ayaa joojisay ka ganacsiga hubka iyo agabka ciidammada,iyadoo digreeto ka soo baxday wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan lagu sheegay in si loo sugo amniga dadka iyo dalka ay muhiim tahay mamnuucista soo dajinta,dhoofinta iyo ganacsiga hubka iyo agabka ciidanka.

Mas'uuliyiinta gobollada , degmooyinka iyo taliyaasha ciidammada ayaa la faray inay dhaqangaliyaan go'aanka oo inta ku daraya in garoommada diyaaradaha iyo dekedda  lagala soo degi karin hubka iyo agabka ciidammada.

Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay garoommada diyaaradaha iyo dekedda inan lala galo gaadiidku hubka saaranyahay , go'aanka oo horay uga soo baxay xafiiska madaxweynaha , balse wasaaradda amniga ayaa soo saartay digreeto lagu amba qaadayo fulinta amarkii hore uga soo baxay madaxweynaha.




Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]