
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
Xog-haayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.
Guddigan ka kooban 10-ka xubnood oo uu guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka dalka, sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]