
Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL) - Waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo la xiriira qaraxyadii ka dhacay Bishii October ee sanadkii hore Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmad Qaran oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa caawinta dadkii ay masiibooyinkaasi saameysay, ayaa xalay soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka ay usaameysay qaraxyadii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu saameynta badnaa abid oo ka dhacay guud ahaan marka la eego qaarada Africa taariikhda inta la xasuusto mar kaliya, isaga oo saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeeshay qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, maadaama Shabaab ay ka aamuseen, sidoo kalena aysan jirin cid gaar ah oo sheegatay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay masuuliyadda qaraxyadii dhacay inay ka dambeeyeen Al Shabaab oo dad badan ay ku dhibaateeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]