Isniin, Maarso, 05, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xalima Yareey). Iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa booqasho gaaban ku yimi dalkaan Maraykanka qaasatan gobolka Minnesota .
Booqashadaan shaqo ayaa ah mid ku salaysan xog ururin ku saabsan sidii
dalka soomaaliya ay uga dhaci lahayd
doorasho qof iyo cod ah iyo waliba sidii qurbojoogta looga qaybgalin
lahaa
Talo baxinta doorashada Soomaaliya ka dhaci doonta sanadka markuu yahay
2020sida uu sheegay Xogahaya joogtada ee gudiga Daahir Mire Jabriil.
Xaliimo Ismaaciil ayaa
iyaduna sheegtay inay u yimadeen inay dhagaystaan talooyinka dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerica waxii talo iyo tusaale ay
hayaan, ayna xagooda u soo bandhagi doonaan waxii talo laga hayo
maamulada kala duwan ee Soomaaliya
La tashiyo dan iyo xag ururtan ayaa ka dhaci doonta magaalooyinka Minneapolis,Torornto,Ottawa iyo Washinton DC ,Waxayna ka bilaabaysaa Maanta oo Isniina iyo bari oo Talaado ah magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota Maraykanka magaalooyinka kalena isla maalhaan xiga hadii alle idmo ayeey tiri xaliimo yareey.
Dadwaynaha Soomaaliyeed ee dagan magaalooyinka Mataanaha ah waa St Paul & Minneapolis ayaa baryahaan aad u hadal hayey kulumada ay gudigaan qabandoonaan iyo talooyinka saxda ah oo ay hayaan sidii ay ugu soo bandhigi la haayeen.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
Minneapolis,MN