4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Barack Obama oo tagay magaalada Nairobi

 

Axad, July, 15, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa tagay dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga bilaabatay booqasho labo maalin ah, waxaana Aqalka Madaxtooyada Kenya ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Obama oo noqday Madaxweynihi 44-aad Mareynkanka ayaa gelinkii dambe ee maanta Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada, wuxuuna uga mahad-celiyay booqashadiisa Wadanka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama yagleelida Hay’adda Obama “Obama Foundation”, oo awood u siisa dhalinyarada iney noqdaan Wakiilada isbedelka Afrika.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in dhalinyarada Afrika ay noqon karaan hantida ugu qiimaha badan Qaaradda haddii ay tamar iyo karti fir fircooni la yimaadaan.

Inta joogo Kenya waxaa uu hirgelin doonaa mashaariic wax tar u leh bulshada Kenya gaar ahaan dhalinyarada, wuxuuna dhisi doonaa Mashruuca Sauti Kuu Foundation oo ka kooban xarun Isboorti iyo xarun tababar iyo khibrad xirfadeed, taasi oo ay waddo walaashiisa, Dr Auma Obama oo ku wehlineysay Madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]