Axad, July, 15, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ku dileen dulleedka degmada Nin la sheegay in uu horay uga tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya.
Laakiin Al-shabaab dhinacooda sheegay in qofkan ay dileen uu ahaa ku-simihii taliyaha nabad-sugida degmada Afgooye.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudle Mad Nuur , waxaana la dilay xilli uu kusii jeeday beer uu ku lahaa tuullo hoos timaada degmada Afgooye.
Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in sidoo kale ay horay u sii kaxeysteen gaari yar oo uu watay marxuumka.
Laakiin maamulka gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Ninkan uusan ka tirsaneyn nabad-sugida Soomaaliya, laakiin uu ka mid ahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]