3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Urur gobolleedka IGAD oo shir ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Xog-hayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada balaaran ee ka jirta dalalka gobolka.

Maxmuub ayaa sheegay dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in mashquuraacan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayao.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada badan ee ka jirta gobolka ee ku saabsan qaxootiga, dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso 20 Million balse lacagtaas kuma filna arrimahan, waxaanu sameyneynaa mashruuc kale oo dhaqaale lagu aruurinayo” ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaladaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cadde Mukhtaar oo horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee shirkan ka qeyb galaya ayaa sheegay shirkan inuu ku soo dhamaaday guul oo Soomaaliyana ay faa’idooyin badan ugu jirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/11/2018 12:40 PM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka.

7/11/2018 10:23 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa ka soo saaray go’aanna lagu xoojinayo amniga,islamarkaana deegaanka laga dhigayo meel nab doon.

7/11/2018 9:34 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxday gudiga dhulka Jubbaland ayaa guud ahaan guryaha aan sharciyeysnayn ee magaalada Kismaayo looga mamnuucay helitaanka adeegyada ay kamidka yihiin korontada, biyaha iyo Internetka.

7/11/2018 8:16 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

7/11/2018 8:02 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.

7/11/2018 7:57 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

7/11/2018 2:29 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

7/11/2018 1:43 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

7/11/2018 12:25 AM EST
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhigga howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidamada xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalka Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dar-dargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.