4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2018
Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay saraakiil ka soctay midowga Yurub

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhigga howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidamada xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalka Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dar-dargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhinaca kale,Wasiirka ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibedda ee Bariga iyo Koonfurta Afric u qaabilsan Eric Galvin ayagoo isku afgartay in Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dowladda Soomaaliya dib u dhiska xeriyaha ciidamada xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii Shabaab dalka looga xoreyn lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]