4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Madaxweyne Waare oo Shacabka reer Jowhar la tukaday Salaada Ciidda


Talaado, August, 21, 2018 (HOL) -Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saakay subaxnimadii  la tukaday salaada Ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Salaada Ciidda ayaa lagu dukaday Masaajidka Carabta Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana madaxweynaha ku wehlinayay tukashada Salaada  madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Guddomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo ku-xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Hirshabelle saraakiisha ciidamada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, nabadoono, Wax-garad, Siyaasiyiin, Aqoon yahano, Culumo iyo Shacab weynaha magaalada Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa Salaada Kaddib hadal kooban uu jeediyay ugu hanbalyeeyay shacabka reer Hirshabelle meelkastay joogaan munaasibada ciidul adxaa darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Hirshabelle ka jirto nabad gelyo loona baahanyahay in la iska kaashado xoojinta Dowlad-nimada, waxaana uu ku dheeraaday ka sheekeynta ficilada guracan ee kooxda Dhagarta badan ee Al Shabaab.

“ Waxaan rabaa in aan hambalyada ciida u diro shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Hirshabelle farxad iyo wanaag ku ciida, waxaan iyana si gaar ah ugu mahad-naqayaa ciidamada qalabka sida ee dhufaysyada ugu jira ayuu yiri’’ Waare.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa hambalyo u diray ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal kuwaa oo naftooda u huraya Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ka howlgala deegaannada Hirshabelle, waxaana uu ka sheekeeyay doorka walaalitinimada leh ee walaalaha Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]