4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Madeira oo munaasabad Ciidda ugu hambal-yeeyay shacabka Soomaaliyeed

 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku began.

Mr. Madeira ayaa dhammaan muslimiinta ku booriyay in ay isku naxariistaan, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan nabadda, walaaltinimada iyo daryeelka dadka danta yar ee ka mid ah bulshada.

''Waxaa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambal-yaynayaa munaasabadda Ciidul Adxaa, ''ayuu yiri Madeira

Ergeyga gaarka ah guddoomiyaha Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku celiyay sida ay AMISOM ay uga go’an tahay ilaalinta guulaha laga gaaray dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay u dabaal degayaan maalinka koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay malaayiin xujey ah ay istaageen Banka Carafa,si ay gutaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan xajka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]