4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Xiisad ka dhalatay dilka labo dhalinyaro ah oo ka taagan Laascaanood

 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Laba dhalinyaro ah ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay kaddib markii ciidamada illaaada gudoomiyaha gobolka rasaas ku fureen taas oo dhalisay xiisad ka taagan magaalada Laas-caanood.

Dhalin-yaradan oo la sheegay in ay wateen sadex gaari (Bajaaj) ayaa la sheegay in ku soo dhowaadeen goob ku taal duleedka bari ee magaalada Laascaanood oo xarun u ah maamulka gobolka.

Wiil iyo Gabadh da'da labaata-neeyada ah ayaa dhintay halka gabadh kalana ay dhaawac tahay, waxaana la sheegay in qaarkale saaraayeen oo ay cagahooda maaleen.

Arintan dhacday ayaa ku soo beegantay iyadoo maalin ciid ah la sugayo iyo gudoomiyaha cusub oo ay ahayd maalintii u horeysey oo uu xafiiska fadhiistay.

Ehelada dadka wax-yeeloobey ayaa diidey in la aaso iyadoo gudiga nabad-gelyada gobolka Sool oo aan ilaa hada ka hadlin waxa laga yeelayo xaalada.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool