4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo dhamaan Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxaa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.