3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Beledweyne

 


Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo todobaadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada, maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka magaalada.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif isaga oo sidoo kalana booqday deegaanka Ceeljaalle oo ay ku barakaceen in ka badan 150,000 oo ruux ka carraray fatahaada magaalada Beledweyne

Madaxweynaha ayaa ku guurgalay xaalada fatahaada iyo sida ay u sameysay guud ahaanba magaalada oo 90% kiiba dadkii degenaa ka barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/30/2018 12:18 PM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

4/30/2018 10:00 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)– Doorasho xiiso badan oo xildhibaannadu labo wareeg oo codeyn ah mareen ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Wasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

4/30/2018 7:38 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Waxaa soo dhamaatay wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartameen ilaa 10 musharax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

4/30/2018 4:52 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Xarunta Golaha Shacabka waxaa goor dhaw ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib markii 9 bisha April uu xilka ka degay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

4/30/2018 4:04 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Ilaa 21 ruux ayaa lagu aramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Kapul ee dalka Afgahistan, waxaana dadka dhintay ka mid ah Afar Wariye ah.

4/30/2018 2:46 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)-Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka socta qabanqaabo loogu jiro doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay u sharaxan ilaa 11 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka.

4/30/2018 2:26 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn ciidamo militarii ah oo ka soo goystay Soomaaliland.

4/30/2018 12:32 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Waxaa siweyn loo adkeeyay amaanka xarunta Golaha Shacabka, maadaama maanta oo Isniin ah ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

4/30/2018 12:07 AM EST
Isniin, April, 30, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ay u tartamayaan ilaa 11 Musharax.