4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 30, 2018
Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kapul

 

Isniin, April, 30, 2018 (HOL) – Ilaa 21 ruux ayaa lagu aramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Kapul ee dalka Afgahistan, waxaana dadka dhintay ka mid ah Afar Wariye.

Saraakiisha ayaa gobolka ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen Aaga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof Naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul, sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale, Qaraxa labaad oo ku dhacay 20-daqiiqo gudahooda kaddib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay kooxo Gurmad Caafimaad iyo wariyeyaal goobta soo gaaray, sida warbixintu ay sheegeyso.

Afhayeenka Wasaaradda caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 21-ruux halka 27-kale ay ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay qaraxyada waxyeelo ka soo gaartay.

Ilaa iyo hadda ma cada cida ka danbeysay Qaraxyada ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kabul oo ku soo aadayxilli subax hore ay tahay oo dadka ay shaqooyin iyo waxbarashada ay u jarmaadayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]