Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Waxaa magaalada
Dammaam ee dalka Sacuudiga lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedka 29aad ee
Jaamacadda Carabta, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.
Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa khudbadahooda
diiradda ku saaray xaalada ka jirta Caalamka Carabta, qadiyada Falastiin iyo
colaada Yemen iyo Libiya.
Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka hadlay
shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya,
sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed.
War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa qodob
ka mid ah looga hadlay xaalada Soomaaliya, iyadoo lagu shaaciyay in Jaamacadda
Carabta ay sii wadeyso taageerada ay siiyo dowladda Soomaaliya, sidii ay dib
ugu soo celin laheyd xasiloonida, nabada iyo dagaalka ay kula jirto
argagixisada iyo xoojinta hey’adaheeda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu shirku socday
waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku
tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in
walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb
uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey
hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku,
maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi
karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa
iyo karaamadiisa.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta
inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu
taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada
Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay
ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay
maalgashadaan Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]