3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Wadahadalo u biloowday madaxda sare ee dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka

 

Isniin., April, 16, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

‘’Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo weydiistay caalamka Carabta in go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya in la fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay midnimada caalamka Carabta islamarkaana la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta’’

Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

Mar uu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/16/2018 4:30 PM EST
Isniin,, April, 16, 2018(HOL)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid gabi ahaanba soo afjareysa xiriirkii dhinacyada badnaa ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba joojisay taageeradii Militari iyo bulsho oo ay ka waday Soomaaliya.

4/16/2018 8:52 AM EST
Isniin,, April,16,2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal.

4/16/2018 8:45 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) Shirkadaha Duulimaadyada Jubba iyo Daallo ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan eedeymo muddooyinkii u dambeeyay loo jeedinayay.

4/16/2018 5:59 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in tababarayaal u dhashay dalka Imaaaraadka lagu qashqashaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

4/16/2018 3:21 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

4/16/2018 3:15 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha uu uga biyo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

4/16/2018 12:39 AM EST
Isniin, April, 16, 2018 (HOL) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado hubka kiimikada ah.

4/16/2018 12:06 AM EST
Isniin,April,16, 2018 (HOL)–Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.