4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Imaaraadka oo joojiyay guud ahaanba tababarkii uu siinayay ciidamada Soomaaliya

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) –Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.

Sababta uu Imaaraadka u joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.

“Imaaraadka Carabta ayaa go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.

Xiisada u dhexeeya labadan dal ayaa kor u kacday tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay cambaareeysay qorshaha Imaaraadka ay ku dhisayaan saldhig Millatari oo ku yaalla degaanada Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]