Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali
Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka
Shabeellaha Hoose, iyadoo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha la xiriira arrimaha howl
galada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kheyre waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal,
waxaana halkaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif
Xassan Sheekh Aadan oo saacado ka hor halkaa gaaray.
Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating
ayaa isna ka mid ahaa wafdiga gaaray Baraawe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada, maamulka
deegaanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada, isagoo kala hadli doona howl
galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada gobolka.
Al-shabaab ayaa ka hor tagista ra’iisal wasaaraha la sheegay in ay madaafiic
ku gaaraaceen qeybo ka mid ah degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]