4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Mareykanka oo xalay mar kale duqeyn ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah maqrabnimadii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo la socday gaari yar oo nooca Bajaajka kor ka furan ah deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn.

Mas’uuliyiinta ayaa intaa ku darray in gaariga la bartilmaameesaday saarnaayeen Lix ilaa Todobo xubnood oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida ay xogta ku soo gudbiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in duqeyn dhawaan diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaan lagu magacaabo Daara Salaam oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay dad rayid ah.

Mareykanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayon gudaha Soomaaliya, ee lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]